Wasaaradda Arrimaha Dibadda ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด
โœ”
4.85K subscribers
4.56K photos
75 videos
15 files
141 links
Kannaalka rasmiga ah ee Telegram ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
https://www.mfa.gov.so/
Download Telegram
Dowladda Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Heer Wasiir ee Taageerada Quddus

Cammaan, Urdun | 5 Agoosto 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimiyiinta ee Urdun, Mudane Ayman Safadi, ka hor furitaanka shirka heer wasiir ee lagu taageerayo Quddus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xaaladaha gobolka, iyagoo carabka ku adkeeyeen mowqifkooda adag ee ku aaddan taageerada qadiyadda Falastiin iyo muhiimadda ay leedahay in beesha caalamku sii xoojiso dadaallada lagu ilaalinayo laguna taageerayo magaalada Quddus iyo goobaha barakeysan ee ku yaalla.
Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa yeeshay shir lagu Xoojinayay Iskaashiga Laba Geesoodka ah ee ka dhaxeeya

Cammaan, Urdun | 5 Agoosto 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Senator Mohammad Ishaq Dar.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha ay labada dal wadaagaan, iyagoo oo sheegay sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo mudnaanta horumarinta bulshada.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Daah furay Koorso Luuqadda Faransiiska ah oo loogu talagalay Diblomaasiyiinta Sare.

Muqdisho, Soomaaliya | 10 Agoosto 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa daah furay koorso lix bilood ah oo lagu baranaayo luuqadda Faransiiska, taas oo loogu talagalay 22 diblomaasiyiin sare ah.

Kooraskaan waxaa bixinaya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Machadka, Maxamed Maxamuud Guure.

Luuqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Dhanka kale Xoojinta aqoonta luuqadda Faransiiska ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed waxay sare u qaadaysaa awoodda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee wada xaajoodyada dhinacyada kala duwan iyo xiriirka ay la leedahay Dowladda Soomaaliya dalalka ku hadla Faransiiska ee Afrika iyo Yurub.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: comms@mfa.gov.so
Twitter: @MOFASomalia
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan U fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya | 9 Agoosto 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi.

Labad dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii iyo isbeddelladii ugu dambeeyay ee gobolka, iyagoo sidoo kale sheegay sida ay uga goโ€™an tahay sii xoojinta iyo joogteynta iskaashiga laba geesoodka ah ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: comms@mfa.gov.so
Twitter: @MOFASomalia
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia