Wasaaradda Arrimaha Dibadda 🇸🇴
✔
4.85K subscribers
4.56K photos
75 videos
15 files
141 links
Kannaalka rasmiga ah ee Telegram ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
https://www.mfa.gov.so/
Download Telegram
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Daah furay Koorso Luuqadda Faransiiska ah oo loogu talagalay Diblomaasiyiinta Sare.

Muqdisho, Soomaaliya | 10 Agoosto 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa daah furay koorso lix bilood ah oo lagu baranaayo luuqadda Faransiiska, taas oo loogu talagalay 22 diblomaasiyiin sare ah.

Kooraskaan waxaa bixinaya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Machadka, Maxamed Maxamuud Guure.

Luuqadda Faransiisku waa mid ka mid ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Dhanka kale Xoojinta aqoonta luuqadda Faransiiska ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed waxay sare u qaadaysaa awoodda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee wada xaajoodyada dhinacyada kala duwan iyo xiriirka ay la leedahay Dowladda Soomaaliya dalalka ku hadla Faransiiska ee Afrika iyo Yurub.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: comms@mfa.gov.so
Twitter: @MOFASomalia
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Dowladda Suudaan U fadhiya Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya | 9 Agoosto 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi.

Labad dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladihii iyo isbeddelladii ugu dambeeyay ee gobolka, iyagoo sidoo kale sheegay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iyo joogteynta iskaashiga laba geesoodka ah ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: comms@mfa.gov.so
Twitter: @MOFASomalia
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia
Agaasimayaasha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Maanta Si Rasmi ah Xilalka ula Kala Wareegay

Muqdisho, Soomaaliya | 13 Agoosto 2026

Agaasimayaasha cusub ee dhawaan loo magacaabay waaxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta si rasmi ah ula kala wareegay mas’uuliyadaha waaxyahooda iyo faylasha rasmiga ah.

Wareejinta mas’uuliyaduhu waxay u dhacday sida soo socota:
1. Marwo Huda Nuur Sheikh Haamud ayaa la wareegtay xilka Agaasimaha Waaxda Arrimaha Aasiya, iyadoo mas’uuliyadda kala wareegtay Agaasimihii hore, Mudane Saciid Mire.

2. Mudane Mohamed Mahmud Ali ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Arrimaha Afrika, isagoo xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee waaxda, Mudane Cabdulqaadir Burgal.

3. Mudane Saalah Maalin Abuukar ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Iskaashiga Caalamiga ah, isagoo xilka kala wareegay Agaasimihii hore, Mudane Jibriil Afyare.

4. Mudane Jibriil Afyare ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Siyaasadda, Qorsheynta iyo Cilmi-baarista, isagoo xilka kala wareegay Agaasimihii hore, Mudane Mohamed Mahmud Colad.

5. Mudane Usman Ahmed Mohamed ayaa la wareegay mas’uuliyadda Waaxda Ururrada Caalamiga ah, isagoo xilka kala wareegay Mudane Cabdinaasir Ibrahim Haji Usman, oo xilkaasi si ku-meel gaar ah u hayay.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: comms@mfa.gov.so
Twitter: @MOFASomalia
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia