HOYGA SHEKOYINKA
12.8K subscribers
771 photos
39 videos
7 files
219 links
Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacayl❤️ /Qosol😁 /Taxane↪️ iyo Qoraalo xiiso badan😘

✨inaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel😍❤️

💫👉. Fadlan JOIN DHEH

Owner👉 @Ina_Husein

³⁰\ˢᵉᵖ\²⁰²¹
Download Telegram
Maalin kasta oo Jimce ah, gaar ahaan gelinka dambe iyo caweyskii, Abshir wuxuu joogto ugu xidhnaa masaajidka Al-Hidaaya. Waxa ka socon jiray muxaadarooyin taxane ah oo lagu soo bandhigi jiray “Sheekooyinka Saxaabadii Jihaaday”. Waxa ay ahaayeen sheekooyin galbi-taabad leh oo si fudud dhallinyarada u qiri gelin jiray. Markasta oo Abshir dhagaysto sheeko cusubna, waxa ku furmi jiray weydiimo-falsafadeed oo uu noloshiisa casriga ah ku barbar dhigayo tii asxaabtii Nebi Maxamed (NNKH).

Abshir waxa xarun u noqday Masaajidka Al-Hidaaya oo uu u ahaa goob uu ku cibaadaysto, si taxane ahna ugu xidhnaa duruusta diiniga ah ee lagu dhigo waqtiyada salaadaha Casar iyo Maqrib u dhaxayeeya. Masaajidku wuxuu u ahaa goob uu kaga kaaftoomay fadhiisigii maqaaxiyaha iyo sheekaysigii suuq-joogtada ay Boosaaso ku caanka ahayd.

Si tartiib-tartiib ah ayuu la macaamilkiisii dadku u kobcay. Abshir waxa caado u ahayd in uu xidhiidh la sameeyo sheekh kasta oo muxaadaro u jeediya, si uu weydiimo hor leh ugu sii qod-qodo duruustooda. Taas oo nafsi ahaan kobcisay, kuna abuurtay firfircooni maskaxeed oo cusub.

Cumar wuu ka duwanaa Abshir dhanka ku xidhnaanshaha Masaajidka Al-Hidaaya. Gelinka dambe wuxuu ciyaari jiray kubbadda cagta oo uu ballo baas ku qabay. Salaadda Maqribna waxa uu ku tukan jiray masaajidka ugu dhaw ee ay kolba salaadu ugu soo gasho. Haddana waqtiga u dhexeeya labada salaadood ee Maqribka iyo Cishaa'iga wuxuu aadi jiray gurigooda si uu uga soo qubaysto mar kale.

Abshir waxa ku soo fakatay waqti firaaqo oo badan, gaar ahaan maalmaha aanay jirin duruusta diiniga ah ee sida joogtada ah looga akhriyo masaajidka. Wuxuu si gaar ah u jeclaysan jiray la sheekaysiga dadka masaajidka ku xidhan oo ay iska waraysan jireen duruufaha nololeed ee dalka ka jiray iyo tii qurbaha ee uu ka soo haajiray.

Jimce ay cadceedu baalka la soo jeeday ayuu akhriskii Qur'aanka idleeyey. Dabadeed, isaga oo kitaabkii gacanta ku sita, dhex goob-yaaley masaajidkii si uu jawiga u badasho.

Dhex-socodkiisii masaajidku waxa uu dareen gelisay sheekh masaajidka fadhiyey oo adkaar dudubinayey. Kaas oo si fudud u yiqiin in Abshir aanu ahayn dhallinyaraddii reer Boosaaso ee uu kula kulmi jiray masaajidka.

Markaas buu, isaga oo dhoolla-caddaynaya, u gacan-haadiyey Abshir, kana codsaday in uu agtiisa soo fadhiisto.

Sheekh Yuusuf Cadaad waa sheekh caan ka ahaa deegaanada Gobolka Bari. Balse wuxuu inta badan waqtigiisa ku qaadan jiray magaalada Gaalkacyo oo ay min-yeradiisu degnayd. Waa nin aftahamo Eebe ku galladay, si darandoori ahna afaf kala duwan ugu hadla. Af-Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiduba waa iskugu mid, af walbana wuxuu ugu xidhiidhi jiray si balaayo sarre leh.

Waayo, qudhiisu intii aanu barashada diinta u xuub-siiban, wuxuu waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay Carriga Ingiriiska oo uu kacaankii Siyaad Barre fursad waxbarasho ah ugu diray.

Abshir iyo Sheekh Cadaad way is-xog-waraysteen. Si fududna Sheekh Cadaad waxa uu u aqoonsaday haybta Abshir isaga oo aan si toos ah u weydiin. Abshir weli umay dhacsanayn macnaha ay samayso maahmaahda Soomaalyeed ee tidhaahda: “Haybi waa summad.”

Waayo, baadi-soocda uu lahaa ka hor imaanshihiisa Soomaaliya waxa ay ahayd mid ku sidkan diintiisa iyo midabkiisa. Sheekha laftiisu, macno sal-weyn uguma ay fadhiyin ogaanshaha haybta Abshir marka laga reebo dareen-deegaaneedka jiray ee in lays-taya waa dhaqan la qabtimay.

Sheekada Sheekh Cadaad aad bay u xiiso gelisay Abshir. Mar waxa uu uga sheekeeyey safarradiisii uu xilliyada fasaxa ah ku qaadan jiray Jarmalka Galbeed iyo sida ay haatan dunidu isu beddeshay. Marna waxa uu weydiimo falsafadeed geliyey maanka Abshir, isaga oo si dadban u duraya in Carabtu waqtigan yihiin kuwo ka gaabiyey hoggaamintii diinta Islaamka ee lagu yiqiin, loona baahan yahay in qof kasta oo Muslim ahi halgan u higsado.
❤2
Taas oo boodhka ka tuntay dareenkii huursanaa oo uu markii Abshir qudhiisu gabay. Waxa la moodayey in ay hal cajallad wada dhagaysteen Abshir iyo Sheekh Cadaad. Fiirsigooda casriga iyo fogaan-aragooduba wuxuu ahaa mid si uun iskugu lamaan oo u ekaa in meel qudha laga wada abqaalay.

Sheekh Yuusuf Cadaad wuxuu ahaa nin aad u aftahan ah oo si fudud u kasbada quluubta dadka; siiba dhallinyarta qurbaha ka timaadda oo car-car badan gabay. Sheekhu wuxuu safarro badan ku tagay dalalka Afgaanistaan iyo Baakistaan oo uu xidhiidh kula lahaan jiray arday ay isku barteen xilli uu waxbarasho Islaami ah oo kooban ku tagay magaalada Karaaji.

Abshir waxa uu dhadhansan karayey fikir-dimeedka Sheekh Cadaad oo salka ku hayey caqiidada gaalaysiinta ama “Takfiirinta”. Waayo, wuxuu aaminsanaa in cid kasta oo gaalada la macaamisha ama la shaqaysaba ay yihiin gaallo ama daba-dhilif aan lahayn caqiido sugan. In la laayo oo lagu jihaadana waxa uu u arkayey masalo fudud oo diinta lagu badbaadin karo.

Taas oo Abshir qudhiisu la dhacay, kuna tiraabay in ay tahay habka kaliya ee loo niyad-jebin karo cid kasta oo ehel mooda gaallada duullaanka ku ah sharafta qofka Muslimka ah.

Haasawihii maalintaas Jimcaha ahayd dhex maray Abshir iyo Sheekh Cadaad waxa ka soo dhex-gashay salaaddii Maqrib. Iyaga oo isku xiiso-qaba ayey ballan kale qabsadeen.

Sheekh Yuusuf baa u dhaafay lambarka telefoonkiisa gacanta, wuxuuna u sheegay in uu la soo xidhiidho si uu ugu martiqaado gurigiisa ku yaal magaalada Gaalkacyo.

→Lasoco Qaybta xigta
❤4🥰2
asxaabta si shekadu nogu sii socoto kaso dhiibta fikradiina iyo dhiirigalitiina lovena sara oo bayjka sher gareya waa idin sidee aqriskaba waqti ku bixisene maxa intaas yarta idinka dhimin❤️
❤7🥰1
Qiso: GELBISKII GEERIDA

Qaybta 4aad 《Jid Aanu Soo Noqosho laheen》

Saddex bilood kadib ayaa Abshir iyo kooxdii dhallinyarta ahayd si dhuumasho ah loogu gudbiyey magaalada-xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Cadaad si gaar ah buu ula dardaarmay Abshir, wuxuuna guntiga ugu guntay in libaantu aanay ku jirin dunida guudkeeda waxa saran ee ay jirto dhinac aakhiro. Ta aakhiro na ay tahay ta rasmiga ah ee lagu negaanayo, laguna helayo nolol sinnaad iyo caddaalad ku qotonta.

Abshir wuxuu ka mid noqday dhallinyaro qurbaha ka timid oo lagu daray liiska xubnaha ka hawlgala Waaxda Amniga u qaabilsan Kooxda Alshabaab.

Gaar ahaan wuxuu ku biiray koox cusub oo si gaar ah loogu tababaray in ay fuliyaan qaraxyada is-miidaaminta ah ee gobollada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Wuxu galay leyli-jabhadnimo oo adag. Leyligaas oo uu ku qaadan jiray dhul buuraley ah oo dhagaxaan badan, ka hor inta aanay qoraxdu soo bixin. Mararka qaar waxa loo qaadi jiray dhulka beerreedka webiga Shabeelle ku teedsan. Halkaas oo uu kulano kula qaadan jiray qaar ka mid ah madaxda u saraysa Al-Shabaab, looguna dhigi jiray duruuso kale oo ku saabsan naf-huridda iyo ka-xorowga duullaanka gaallada.

Abshir waxa ay si dhaw iskuugu xidheen tababare lagu naanaysi jiray Abu-Xasna. Kaas oo ahaa nin da’ dhexe ah oo aad u dhiiran, wejigisana markasta qarin jiray.

Wuxu waxbarashadiisa la xidhiidhin jiray cilmiga kiimikada ku diyaariyey Waddanka Norway, oo uu dhalasho ahaan ka soo jeeday. Marnaba looma sheegi jirin meesha uu Abshir weerar ku noqon doono iyo dadka uu ku dulayo, midna. Tababare Abu-Xasna waxa lagu amray keliya inuu ku leylivo sida layskuugu darro walxaha qaraxa dhaliya iyo habka layskugu rakibo.

Abshir, muddadii uu dhuumalaysiga ku jiray, waxa uu guursaday gabadh da’yar oo lagu magacaabi jiray Kaltuun oo dhalasho ahaan ka soo jeeday deegaannadda Kismaayo. Gabadhaas oo ay wada noolaaayeen intii uu tababarka ku jiray ee uu tegi jiray kaymaha ku yaal agagaarka Webiga Shabeelle.

Kartida hoggaamineed ee uu Abshir muujiyey iyo weliba dhiirranaanta iyo hal-adaygnimada uu la yimid, waxa ay soo jiidatay indhaha hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

Taas oo uu markii dambe madax looga dhigay dhallinyarta jihaad-doonka ah ee qurbaha ka soo qulqulaysay; looguna sheegay in si lamid ah sidii loo siiyey iclaanka diimeed, iyagana uu u laqimo casharada jihaadka ku saabsan. Nolol-maalm eedkiisu waxa ay ku koobnayd tun-ku-qaadista qoriga AK-47, oo aanu gacanta iyo xeebka kala fogayn jirin. La-jooggiisa asxaabtiisa cusub iyo dhagaysiga nashiidooyin Islaami ah ayuu waqtiga firaaqada ku lumin jiray.

Abshir, aad buu u akhrisan jiray Qur’aanka iyo weliba buugaag af-Ingiriisi ku turjuman oo ku saabsanaa gaalaysiinta. Subaxdii timaaddaba waxa loo daari jiray muxaadirooyin af-Ingiriis ku baxaya, oo si xeel-sare leh uga waramaya dhibaatada haysta Muslimka maanta nool. Waxa kolba la xasuusin jiray in uu aakhiro nolol fiican geli doono, isla markaana uu la kulmi doono Xural-cayn, adduunkana kaga tegi doono lib iyo gobannimo. Abshir waxa uu toosay inyar ka hore hiirtii waaberi.

Dhaxan daran baa jirtay oo qofka u diidaysay in uu weysaysto, waa se uu ku qasbanaa in uu si uun maaro ugu helo. Laba rakcadood oo sunne ah ayuu ku tukaday mawlaac ku dhex yiil xerada uu ku noolaa. Dabadeedna salaaddii subax buu ku xigsiyey markii ay jamaacaddii soo buuxsantay. Mawlicii buu ku sii negaa oo uu ku akhrisanayey adkaar badan iyo aayado Qur’aan ah ilaa diirtii cidii joogjey.

Abu-Xasna oo qori AK-47 ah xanbaarsan ayaa soo istaagay afaafka hore ee mawlaaca uu Abshir ku cibaadaysanayay. Suul-dhabaale ayuu ku soo jeediyey Abshir oo qushuucl la gadh-gadhsan.

→Lasoco Qaybta xigta
❤2
Qiso: GELBISKII GEERIDA

Qaybta 5aad 《Maalintii Abshir》

“Abshir, maanta waa maalintaadii. Waa maalintii adiga iyo asxaabtii Nebi Maxamed (S.C.W.) aad kulmi lahaydeen?” ayuu Abu-Xasna dhagta ugu riday Abshir.

Xerada waxa horteeda gaardis ku ciyaarayey dhallinyaro badan oo afka dabooshay, kuna hadaaqaya nashiidooyin Carbeed. Gaadhi weyn oo nooca xamuulka ah ayaa ku sugnaa goob u dhaw mawlicii uu Abshir ku tukanayey. Abshir dib buu ugu laabtay mawlicii, dabadeedna mar kale laba rakcadood ka gaadhsiiyey.

Abshir hore ayuu u hayey xogta goobta loo asteeyey. Mar kale ayuu dardaaran kale u siiyey Abu-Xasna, isaga oo kolba dib u xasuusinaya nolosha lagu waarayo ee aakhiro iyo u anbabaxidda Abshir ee hoygiisii rasmiga ahaa.

Wuxuu u jeestay dhinaca waddada waqooyi ka gasha Xamar. Abaartiisuna waxa ay ahayd Hudheel Dal-jir, oo tiraba afar jeer si dhuumasho ah u yimid xilliyo kala duwan, gaxwena ku cabbay goobo kala duwan oo isla hudheelka ah.

Abshir suunka ayaa u xidhnaa, waxaana ku baxayey heeso diini ah. Waa isla heesihii lagu toosin jiray subax kasta ee qiirada gelin jiray. Il-bidhiqsi kasta oo uu socdo gaadhigu, xawaaraha ayuu kordhinayey, isaga oo Abshir xasuusanaya nolosha dambe ee sugaysa. Nolol uu in badan ku taamayey, oo uu sii saadaalinayey barwaaqadeeda!

Isbaaro kasta oo gaadhigiisa lagu joojiyo, ma ay dhaadayn walxaha qaraxa ee gaadhiga laga buuxiyey. Waayo, dushiisa waxa lagu buuxiyey raashin iyo khudaar tiro badan oo lagu dul-cabeeyey walxaha qaraxa loo diyaariyey.

Gadaal waxa saaran kuray Kirishbay ah oo isna loo diyaarshay in Abshir la socodsiiyo deegaannada ay kolba ka gudbayaan iyo dabeecadaha cusub ee ay kolba la kulmayaanba.

Socdaal qaatay shan saac kadib, Abshir waxa uu soo gaadhay iridda hore ee Hudheel Dal-jir. Waa xilligii loo diyaargaroobayey qadada. Waxaana hudheelka ku sugnaa xildhibaano iyo saraakiil dawladda ka tirsan oo maalmahaasi aqoon-is-weydaarsi la xidhiidha curinta xeerka caasimadda lafo-gurayey.

Halkii buu isaga iyo gaadhigiiba ku dhex qarxeen, oo uu ku miray martidii Hudheel Dal-jir.

Abshir maanta waa iga hooseeya. Wuxuu se sahayday nolosha dad badan oo rayid ah oo diin-wadaag la ahaa.

Sidaas baan walaalkay ku kala tagnay adduunka guudkiisa. Waanna qaddar Alle iyo fakar qaloocday.

Anfariir awgeed baan gacmaha dhafoorka saartay. Waayo, marnaba maskaxdayda kama gudhayn muuqaalada iyo xusuusaha isburinaya ee kolba i hor imanayey.

Waxa aan isku maararawsiiyaa sawirradii aanu wada galnay markii aanu yar-yarayn ee aanu magaalada Toronto u soo guurnay. Walaalkay oo dhabarkayga saaran, foolkiisana ay ka muuqato farax iyo raynrayn badan.

Waa sawirro aan ka helay sanduuqayga keydka sawirrada.

→Lasoco Qaybta xigta
❤2🥰2🤔2👏1
Qiso: GELBISKII GEERIDA

Qaybta 6aad 《Nabarkii Haray》

Ballankii Kabtan Riijadh ee bandhigga xogaha aan isku duba-riday ayaa maanta ku eeg.

Waxaana hoolka Saldhigga AFRICOM igu sugayey saraakiil aanu shaqo-wadaag ahayn, qaarkoodna aanan weligayba kulmin oo u dhag taagaya xuuraanka xogaha aan ku mashquulsanaa lixdii bilood ee ka danbaysay qaraxii Hudheel Dal-jir. Afar caano-maal kadib, waxa aan dib ugu laabtay Muqdisho.

Waxa aanan dalbaday fasax kooban oo nasasho ah.

Naftaydu waxa ay rabtay degnaasho iyo in aan ka nasto culayskii nafsadeed ee aan wehelka la ahaa dharaarihii qadhaadhaa ee nolashayda u danbeeyey. Waxa ay ahaayeen lix bilood oo dhamac igaga kulul, lix sanadoodna ka dherer badan. Jimce ay qoraxdu korkayga taagan tahay, badduna neecaw diiran soo afuufaysay, ayaan u dabaal tagay Xeebta Liido.

Waxa aan iska maydhayey walaac badan oo igu soo kadiyey. Baddu se way iga diiday in ay iga dhaqdo werwerkaas aan kelida ku ahaa. Bataax ayaan is-tuuray, oo aan cadceeda isku dhigay.

Cabbaar markaan indhaha is geliyey, gacmahana kala baxshay, ayaan ku hanbabaray rasaasta talan-taaliga u dhacaysa. Kor markii aan u boodayn, mise jilibka ayey xabbaddii iga haleeshay.

Waxa ay ahaayeen dhallinyartii Kubbadda wada cayaaraysay oo isku cadhootay, dabadeedna rasaas isku adeegsaday. Maalintaas llaah baa i baxshay, oo maalin kale ii dhigtay.

Haddimada noocan ah nafdayda ayaa qabatintay, waxaan se niyada sasabo uga dhigaa in aan ahay ka ugu dhibka yar maanta xaaladda ka jirta Muqdisho.

DHAMMAAD~.
❤3🥰1👏1
Qisadii GELBISKII GEERIDA halkaas ayay ku dhammaatay. ❤️‍🩹

Waxaan rabaa inaan ogaado inta qof ee la socotay Qisada ilaa dhammaadka. 👀

Haddii aad akhriday dhammaan qaybihii 1aad ilaa 6aad, comment-ga ku qor: “Waan dhammeeyey” 📖❤️

Haddii aad qayb ka mid ah ka hartay, sidoo kale ii sheeg qaybta aad joogto.

Mahadsanidiin dhammaantiin intii ila socotay GELBISKII GEERIDA. 🥹❤️
Qaybta 6aad — Nabarkii Haray
DHAMMAAD. 🖤📖
❤8👍1
ألسلام عليكم ورحمة الله وبركاته 🌹

Caawa waa jimce waa habeen wayn waa habenkii nabi muxamed scw uu inaga dalbaday inaan salaamno oo aan badino salaantiisa
عليه الصلاة والسلام ❤️🥹

Nabi muxamed scw wuxu yidhi " qofka iigu dhaw malinka qiyaame wa qofka ugu badan ee igu salliya aduunka intuu joogo" allahu akbar

Qof walboo inaga mid ah wuu jecelyahay nabi muxamed scw xabiibkena inuu u dhawaado oo u maciisa ahado ee aynu jeclaano o badino salliga rasuulkeena wanaagsan ee quruxda badan ❤️❤️

أللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على ابراهيم وعلى آل إبراهيم إنك حميد.❤️❤️
❤5🔥1
🌙✨ أَذْكَارُ الْمَسَاءِ ✨🌙

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ

> أَذْكَارُ الْمَسَاءِ — كما هي في الصورة، دون إضافة أو حذف


🤍 01 — آيَةُ الْكُرْسِيِّ × 1

﴿اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ مَنْ ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ ۚ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۖ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ﴾
[البقرة: 255]
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌿 02 — × 1

أَعُوذُ بِاللَّهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ

﴿آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْهِ مِنْ رَبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ ۚ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِنْ رُسُلِهِ ۚ وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا ۖ غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ ۝ لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِنْ نَسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ ۖ وَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا ۚ أَنْتَ مَوْلَانَا فَانْصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ﴾
[البقرة: 285–286]
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌙 03 — × 1

أَمْسَيْنَا وَأَمْسَى الْمُلْكُ لِلَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.

رَبِّ أَسْأَلُكَ خَيْرَ مَا فِي هَذِهِ اللَّيْلَةِ وَخَيْرَ مَا بَعْدَهَا، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا فِي هَذِهِ اللَّيْلَةِ وَشَرِّ مَا بَعْدَهَا، رَبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنَ الْكَسَلِ وَسُوءِ الْكِبَرِ، رَبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابٍ فِي النَّارِ وَعَذَابٍ فِي الْقَبْرِ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤲 04 — × 1

أَمْسَيْنَا وَأَمْسَى الْمُلْكُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ، اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ خَيْرَ هَذِهِ اللَّيْلَةِ فَتْحَهَا وَنَصْرَهَا، وَنُورَهَا وَبَرَكَتَهَا وَهُدَاهَا، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا فِيهَا وَشَرِّ مَا بَعْدَهَا.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🕊️ 05 — × 1

اللَّهُمَّ عَالِمَ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ، فَاطِرَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ، رَبَّ كُلِّ شَيْءٍ وَمَلِيكَهُ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنْتَ، أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ نَفْسِي وَمِنْ شَرِّ الشَّيْطَانِ وَشِرْكِهِ، وَأَنْ أَقْتَرِفَ عَلَىٰ نَفْسِي سُوءًا أَوْ أَجُرَّهُ إِلَىٰ مُسْلِمٍ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌸 06 — × 3

أَعُوذُ بِكَلِمَاتِ اللَّهِ التَّامَّاتِ مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤍 07 — × 1

اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ الْعَفْوَ وَالْعَافِيَةَ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ، اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ الْعَفْوَ وَالْعَافِيَةَ فِي دِينِي وَدُنْيَايَ وَأَهْلِي وَمَالِي، اللَّهُمَّ اسْتُرْ عَوْرَاتِي وَآمِنْ رَوْعَاتِي، اللَّهُمَّ احْفَظْنِي مِنْ بَيْنِ يَدَيَّ وَمِنْ خَلْفِي وَعَنْ يَمِينِي وَعَنْ شِمَالِي وَمِنْ فَوْقِي، وَأَعُوذُ بِعَظَمَتِكَ أَنْ أُغْتَالَ مِنْ تَحْتِي.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌿 08 — × 3

يَا حَيُّ يَا قَيُّومُ، بِرَحْمَتِكَ أَسْتَغِيثُ، أَصْلِحْ لِي شَأْنِي كُلَّهُ، وَلَا تَكِلْنِي إِلَىٰ نَفْسِي طَرْفَةَ عَيْنٍ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🖤 09 — × 1

اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنْتَ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌙 10 — سُورَةُ الإِخْلَاصِ × 3

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

﴿قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ ۝ اللَّهُ الصَّمَدُ ۝ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ۝ وَلَمْ يَكُنْ لَهُ كُفُوًا أَحَدٌ﴾
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌙 11 — سُورَةُ الْفَلَقِ × 3

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

﴿قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ۝ مِنْ شَرِّ مَا خَلَقَ ۝ وَمِنْ شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ۝ وَمِنْ شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ۝ وَمِنْ شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ﴾
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌙 12 — سُورَةُ النَّاسِ × 3

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ

﴿قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ۝ مَلِكِ النَّاسِ ۝ إِلَٰهِ النَّاسِ ۝ مِنْ شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ۝ الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ ۝ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ﴾
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌿 13 — × 1
❤1
أَمْسَيْنَا وَأَمْسَى الْمُلْكُ لِلَّهِ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤲 14 — × 1

اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنْتَ، خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ، وَأَنَا عَلَىٰ عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ، أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ، أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَ عَلَيَّ، وَأَبُوءُ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي، فَإِنَّهُ لَا يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا أَنْتَ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌿 15 — × 1

أَمْسَيْنَا وَأَمْسَى الْمُلْكُ لِلَّهِ، وَالْحَمْدُ لِلَّهِ، رَبِّ أَسْأَلُكَ خَيْرَ مَا فِي هَذِهِ اللَّيْلَةِ وَخَيْرَ مَا بَعْدَهَا، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا فِي هَذِهِ اللَّيْلَةِ وَشَرِّ مَا بَعْدَهَا، رَبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنَ الْكَسَلِ وَسُوءِ الْكِبَرِ، رَبِّ أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابٍ فِي النَّارِ وَعَذَابٍ فِي الْقَبْرِ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤍 16 — 4×

اللَّهُمَّ إِنِّي أَمْسَيْتُ أُشْهِدُكَ وَأُشْهِدُ حَمَلَةَ عَرْشِكَ وَمَلَائِكَتَكَ وَجَمِيعَ خَلْقِكَ، أَنَّكَ أَنْتَ اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنْتَ وَحْدَكَ لَا شَرِيكَ لَكَ وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُكَ وَرَسُولُكَ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌸 17 — × 1

اللَّهُمَّ مَا أَمْسَى بِي مِنْ نِعْمَةٍ أَوْ بِأَحَدٍ مِنْ خَلْقِكَ، فَمِنْكَ وَحْدَكَ لَا شَرِيكَ لَكَ، فَلَكَ الْحَمْدُ وَلَكَ الشُّكْرُ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🕊️ 18 — × 7

حَسْبِيَ اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ ۖ وَهُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌿 19 — × 3

بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌙 20 — × 1

اللَّهُمَّ بِكَ أَمْسَيْنَا، وَبِكَ أَصْبَحْنَا، وَبِكَ نَحْيَا، وَبِكَ نَمُوتُ، وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤍 21 — × 3

رَضِيتُ بِاللَّهِ رَبًّا، وَبِالْإِسْلَامِ دِينًا، وَبِمُحَمَّدٍ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَبِيًّا.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🌿 22 — × 100

لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤲 23 — × 1

اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَٰهَ إِلَّا أَنْتَ، عَلَيْكَ تَوَكَّلْتُ، وَأَنْتَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ، مَا شَاءَ اللَّهُ كَانَ وَمَا لَمْ يَشَأْ لَمْ يَكُنْ، وَلَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِاللَّهِ الْعَلِيِّ الْعَظِيمِ، أَعْلَمُ أَنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْمًا، اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ نَفْسِي، وَمِنْ شَرِّ كُلِّ دَابَّةٍ أَنْتَ آخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا، إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ.
•┈┈┈••●◆❁✿❁◆●••┈┈┈•

🤍 24 — × 100

سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ.

🌿 25 — × 3

أَمْسَيْتُ أُثْنِيْ عَلَيْكَ حَمْدًا ، وَأَشْهَدُ أَنْ لَّا إِلٰهَ إِلَّا اللّٰهُ.
❤1
Ma Tukatay Salaad Duhaa
Anonymous Poll
78%
Haa alx
22%
Hda tukana
Qiso: Rabbigey Dartii

Wax walba waxay ku bilowdeen fariin aanan muhiimad badan siin.

Hal jawaab ayaa isu beddeshay sheeko habeenno badan socota.

Sheekadiina waxay noqotay qof aan sugo.

Qofkii aan sugayayna wuxuu si tartiib ah u noqday qayb noloshayda ka mid ah oo aan cid kale ila ogeyn.

Muddo waxaan ugu yeeri jiray "jacayl".

Jacaylka laftiisu ma ahayn waxa i cabsi geliyay.

Waxa i dhaawacay wuxuu ahaa qaabkii aan u maamulay:

qarsoodigii, beenihii yaryaraa, habeenadii aan hurdada ka jaray, iyo qalbi si tartiib ah qof kale ugu xirmay.

Markii salaadd walba dabadeed, maskaxdaydu taleefanka u carartay, waxaan is weydiiyay su'aal aan muddo ka dhuumanayay

haddii waxa naga dhexeeya ay sax yihiin, maxaan ugu baahanahay inaan qariyo?

Rabbigay Dartii waa sheekada jacayl si fudud ku bilaabmay, xiriir qarsoon oo si tartiib ah u qoto dheeraaday, iyo go'aan iga foogeyay wax aan moodayay inaanan waligay awoodi doonin inaan ka fogaanayo..

Waxaan u qaatay inaan isaga ka tagaayo.

Qisadan ma idin bilaaba
❤12🥰1
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيهِ راجعون
Waalalayaan, maanta waxaa geeriyootay ayeeyaday. Waxaan si khushuuc leh idiinka codsanayaa inaad u soo duceeysaan.

Fadlan u barya inuu Allah u dambi dhaafo, su'aalaha qabriga u fududeeyo, xabaasheedana u nuuriyo.

Allah ha ka yeelo kuwii u gudba Jannatul Fardowsa.

Ducadiinna ha ka bakhaylina,
Allah khayr ha idinku abaalmariyo.
Aamiin🤲.
💯2
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
QIso: Rabbigey Dartii

Qeybta 1《Qayla-dhaanta Qalbiga》


Hordhac

Waxaan weli xusuustaa qabowgii taleefanka iyo kulaylkii gacantayda.

Qofna iima sheegin in wadada khaldan mararka qaar ay ku bilaabato wax aan khalad u ekayn.

Wax yar.

Wax caadi ah.

Wax qof kale xitaa muhiimad siin waayo.

Aniga waxay iigu bilaabatay fariin waxbarasho.

Fariintaasi kaligeed ma ahayn dhibka; dhibku wuxuu ahaa halka aan annagu u sii wadnay markii ujedadii fariinta dhammaatay.

Waxaan hoos u dhigi jiray iftiinka shaashadda, albaabka qolkana waan xidhi jiray.

Markaas waxaan naftayda ku qancin jiray in habeenku iftiin badan u baahnayn.

Muddo ayaan rumaysnaa sababtaas.

Ma aanan doonayn inaan qirto in iftiinka aan qarinayay aanu ahayn kan shaashadda oo keliya.

Buuggan Uma qorin inaan qof xukumo.

Ma ihi qof qaladaadka ka sarreeya.

Waxaan ahay gabadh ogaatay, in habeen aad u bixisay "habeen farxad leh" uu mararka qaar noqon karo bilowga habeenno aad sariirta isku rogrogto adigoon hurdo helin.

Waxaan qorayaa wixii aan soo maray.

farxaddii aanan su'aalin....

beenihii yaryaraa ee isu beddelay nolol labaad....

ku-tiirsanaantii aan jacayl u qaatay....

qoomamadii...

tawbadii..

iyo jidkii aan dib ugu bartay inaan naftayda iyo Rabbigayba run ula noqdo.

Ma doonayo inaan kuu sheego waxaad samayn lahayd.

Waxaan kuu sheegayaa waxa aan sameeyay, wixii iga lumay, iyo wixii aan bartay markii aan aqbalay in dareenku aanu qofka xumaan ka dhigin,

balse doorashooyinka uu dareenkaas ku raaco ay u baahan yihiin xuduud iyo masuuliyad.

Waxaa laga yaabaa inaad Shekadaan qof kale aad ka dhex aragto.

Waxaa laga yaabaa inaad adiga isku aragto.

Haddii ay sidaas tahay, hal shay ogow, sheekadaydu kuma bilaaban qalbi-jab.

Waxay ku bilaabatay farxad!

Waxaan u hibaynayaa Rabbigay...

Kan i arkayay xilli aan dadka oo dhan ka dhuumanayay.

Kan ogaa waxa qalbigayga ku jiray xitaa markii aanan anigu magacaabi karin.

Kan aan marar badan u soo noqday anigoo u ballan qaaday inaanan dib u laaban,

haddana ii gacmaha ii fidinayay markaan daciifo.

Waxaan u hibaynayaa waalidkay,

kuwa aan mararka qaar indhahooda ka leexin jiray anigoo sir jeebka ku sita, balse gurigoodu ii ahaa meel aan runta ku dhex ka shifi karo... markii aan ka daalay qarinta.

Waxaan u hibaynayaa gabadh kasta oo mar uun qalbiga ka tidhi: "Waan ogahay waxa saxda ah, laakiin qalbigaygu weli ma awoodo."

Midda qof jeclaatay, midda isku dhajisay, midda marar badan isku dayday inay ka tagto, iyo midda qaladkeeda awgiis isku dayday inay nafteeda ka quusato.

Khaladkaagu ma aha magacaaga...
Qaladaadkaag bartay dartiis ...Albaabka tawbaddu uma xirmo

Adiga ayaan Sheekadaan kuu qoray.

→Lasoco Qaybta xigta
❤7😱3🤯1
QIso: Rabbigey Dartii

Qeybta 2 《Habeen farxad badan》

Postiga like saar naguna soo biir walal
Haday jirto story noloshaada saameyn ku leh ilaso wadaag wan kaa warin si aan cashar uga barano


Habeenkaas wax gaar ahi kama duwanayn habeenadii kale.

Gurigu wuu degganaa.

Nalalkii qolalka mid mid ayay u dansameen, codadkii maalintuna si tartiib ah ayay u yaraadeen.

Carruurtii bannaanka ku qaylinaysay waa la kala seexiyay, sheekadii dadka waaweynna way joogsatay.

Waxaa soo hadhay oo keliya aamusnaantii caadiga ahayd ee guri laga seexday.

Anigu qolkayga ayaan joogay.

Albaabka waan xidhay, daaqaddana wax yar ayaan u furay si hawada habeenku u soo gasho.

Waxaan sariirta ku fadhiyay anigoo taleefanka gacanta ku haya, iftiinkiisa yarina wejigayga ayuu ku dhacayay.

Cidna ma sugayn.

Ugu yaraan sidaas ayaan moodayay.

Taleefankii ayaa gariiray.

Waxaan filayay ogeysiis caadi ah, laakiin markii aan eegay waxaa shaashadda kasoo muuqday magac aanan hore u arag.

ILYAAS.

Fariintiisu way koobnayd.
"Waan ku Salaamay. Hani Miyaa?"

Waxaan eegay dhowr ilbidhiqsi. Ma aanan garanayn. Sawirkiisa Profileka xitaa si fiican uma muuqan. Waxaan ku fikiray inaan iska dhaafo, laakiin su'aashu waxay u ekayd mid si gaar ah aniga la ii weydiiyay.

"Haa. Yaa tahay?"

ayaan ku idhi

Wax yar kadib ayuu iso jawaabay.

"Waa Ilyaas. Waxaan kaa mid ahay ardayda jaamacadda. Waxaan rabay inaan ku weydiiyo qoraalladii casharka maanta."

Taasi waxay ahayd dhammaan sababtii aan uga jawaabay.

Maanta waan kala saari karaa labadaas arrimood.

In qof waxbarasho kuu weydiiyo oo aad si kooban uga jawaabto ma aha waxa sheekadayda dhibka ka dhigay.

Dhibku wuxuu bilaabmay markii baahidii hadalku ku ekaan lahaa ay dhammaatay, annaguna aan raadinnay sabab kale oo aan hadalka u sii wadno.

Waxaan u diray wixii uu weydiistay. Wuu mahadceliyay. Waxaan moodayay inay halkaas ku dhammaatay.

Laakiin dhowr daqiiqadood kadib fariin kale ayaa timid.

Ilyaas: "Adiga miyaa qoraalladan diyaariya? Aad bay u nidaamsan yihiin."

Waan dhoola-caddeeyay.

Aniga:"Haa. Haddii aanan sidaas u qorin maalinta imtixaanka anigaa isku dhex yaacaya."

Ilyaas: "Markaa adiga ayaa dadka kala hagaajiya, adigaana isku dhex yaaca?"

Waan qoslay anigoon filayn.

Hadal yar ayaa meeshaas ka bilaabmay. Jaamacad. Macallimiin. Buugaag. Magaalo.

Waxyaabo aan qof cusub la wadaagi karo anigoon dareemayn inaan wax badan ka sheegay nafteyda.

Saacaddu way socotay.

Anigu ma dareemin.

Markii aan xili dambe geeska sare ee shaashadda eegay, saqdii dhexe way dhaaftay.

Waxaan is idhi: Intaas oo dhan miyaan wada hadlaynay?

Haddana taleefanka maan dhigin.

Waxaa jiray wax aanan weli magac u hayn.

Ma ahayn jacayl. Xitaa ma odhan karo wuxuu ahaa farxad buuxda.

Waxay ahayd dareen yar oo kuu sheegaya in qof cusub ku danaynayo.

In hadalkaaga la sugayo.

In marka aad wax qorto, qof dunida dhinaceeda kale jooga uu akhrinayo isaga oo doonaya inaad wax kale sii tidhaahdo.

Wax igu cusub ayay ii ahayd.

Waxaana laga yaabaa inay taas ahayd sababta aan uga helay.

Guriga dhexdiisa waxba iskama beddelin. Hooyaday way hurudday. Aabbahayna qolkiisa ayuu ku jiray.

Aniguna weli waxaan ahaa gabadhii ay garanayeen.

Laakiin markii aan maqlay tallaabo bannaanka qolka ka timid, gacantaydu si kedis ah ayay taleefanka u qabatay.

Iftiinkii shaashadda ayaan hoos u dhigay.

Wax yar kadib ayaan ku baraarugay!

Maxaan iftiinka u gaabiyay?

Jawaab diyaar ah ayaan naftayda u hayay: waa habeen! Iftiinku indhaha ayuu ka dhibayaa. Dadku way hurdaan.

Sababo badan ayaan heli karay.

Sidaas darteed su'aashii maan sii raacin.

Markii ugu dambayn aan taleefanka dhinac dhigay, habeenku aad ayuu u sii fogaaday.

Waxaan madaxa saaray barkinta, indhaha isku qabtay, haddana daqiiqad kadib waan furay.

Fariimihii ayaan maskaxda dib uga akhrinayay.

Waxaan xusuustay meel aan ku qoslay.

Waxaan xusuustay su'aal uu i weydiiyay.

Waxaan xusuustay sida aan ugu degdegay jawaabtiisa markii dambe.

Wax dambi ah ma dareemayn. Wax qoomamo ahna ma jirin.

Waxaan dareemayay oo keliya farxad yar oo aan cidna la wadaagin.

Waxaan naftayda ku idhi:
❤7
"Waa hadal keliya."

Kadib waan seexday.

Subaxdii, ka hor intaanan xitaa sariirta ka kicin, gacantaydu waxay raadisay taleefanka.

Shaashadda waxaa saarnaa fariin uu soo diray 5:40 aroornimo.

Ilyaas: "Subax wanaagsan, Hani. Waxaan filayaa inaan xalay si lama filaan ah saacado badan kuu mashquuliyay".

Waxaan akhriyay hal mar.

Kadib mar labaad.

Waxaana markaas ogaaday wax aanan habeenkii garan:

Subaxdaas, intaan qolka ka soo bixin, muraayadda ayaan isku eegay. Wax muuqaal ah igama beddelmin. Xijaabkaygii isla kii ayaan xidhay, buugaagtiina sidii caadiga ahayd ayaan boorsada ugu riday.

Guriga marka aan ka soo baxay, hooyaday waxay isheegtay inaan qadada ka dib soo laabto, aabbahayna wuxuu ii sheegay inaan jidka ka taxaddaro.

Waxaan ahaa Hani ay yaqaaneen.

Jaamacadda, Nasteexo ayaa kursiga ii banneysay.

Waxay igu mashquulisay sheeko ku saabsan macallin imtixaanka ku daray cashar aanu si fiican u sharxin.

Waan la qoslayay, laakiin laba jeer ayaan taleefanka boorsada ka soo saaray anigoon wax ogeysiis ahi ii imaan.

"Qof ma sugaysaa?" ayay i weydiisay.

"Maya," ayaan si degdeg ah u idhi.

arrintiina halkaas ayay ku dhammaatay.

Laakiin aniga gudaheyga wax yar ayaa ka bilaabmay.

Ma ahayn jacayl.

Ma ahayn xitaa ballan.

Waxay ahayd xiiso yar oo aan cidna dhib u arki lahayn.

Waxaa laga yaabaa in sidaas ay waxyaabaha qaarkood u bilaabmaan: ma soo galaan noloshaada iyagoo wata calaamad digniin ah.

Waxay kuu yimaadaan iyagoo u eg wax aad si fudud u xakamayn karto.

Galabtii markii aan guriga gaadhay, fariin uu Ilyaas soo diray ayaa i sugaysay.

Maalmo yar gudaheed, fariimaha Ilyaas waxay noqdeen qayb ka mid ah jadwalkayga anigoon jadwal u samayn.

Subax wanaagsan.

Ma gaadhay jaamacadda?

Sidee ayuu casharkii ahaa?

Wax ma cuntay?

Maxaad hadda samaynaysaa?

Su'aalahaasi wax weyn ma ahayn.

Laakiin qof maalin kasta ku weydiiya waxyaabaha yaryar wuxuu si tartiib ah u bilaabaa inuu ogaado Waxyaabaha dadka kale aanay Kaa ogayn.

Markii aan fasalka kasoo baxo, taleefanka ayaan eegi jiray.

Haddii aan fariin ka waayo, waxaan is odhan jiray inuu mashquulsan yahay.

Haddii saacad kale ay dhaafto, waxaan bilaabi jiray inaan is weydiiyo sababta.

Taasi waxay ahayd isbeddelkii ugu horreeyay ee aanan dareemin.

Maalin Khamiis ah ayaan jaamacadda kasoo noqday anigoo daalan.

Hooyaday waxay jikada ku diyaarinaysay qadada.

Intaan kabaha iska bixinayay ayuu taleefanku gariiray.

Ilyaas: "Maanta waxaad u muuqtay qof maalintiisa oo dhan la dagaallamayay."

Waan naxay!

Aniga: "Xaggee igu aragtay?"

Ilyaas: "Dhinaca maktabadda. Waxaan kaala socday indhaha, adiguna cidna ma aadan arkayn."

Wajigayga kulayl ayaa baxay.

Markaas ayaan markii ugu horreysay si dhab ah u ogaaday in qofka shaashadda ku jira uu isla goobihii aan joogay ku noolaa.

Aniga: "Maxaad ii soo salaami weyday?" ayaan u qoray.

Wuxuu ku jawaabay:

"Waxaan is idhi ha dhibin... Waxaad igu muuqaty qof xuduud leh."

Ereygaas - xuduud - wuxuu igu beeray kalsooni aanan garanayn, inuu maalmo kadib noqon doono ereyga ugu badan ee aan naftayda ku celceliyo.

Habeenkaas wuxuu ii sheegay inuu bilo ka hor igu arkay jaamacadda, balse aanu ku dhiirran inuu ii la so hadlo.

Wuxuu xusay faallo aan ka bixiyay buug aan akhrinayay, xitaa magacii buuggana wuu xasuustay.

Waxaan dareemay in la i arkay.

Ma aha muuqaalkeyga oo keliya. Wax yar oo aan qoray ayuu xasuustay.

Waxaan wada hadalnay ilaa hooyaday albaabka iga soo garaacday.

Hooyo: "Hani, weli ma soo jeeddaa?"
Taleefankii ayaan dhanka dambe urogay si aan uqariyo Iftiinka shaashada.

Aniga: "Maya hooyo, waan jiifay codkaga ayaan ku kacay hadda."

Beentaasi way yarayd. kaliya hal jumlad.

laakin Waxay ahayd markii igu horeesay aan been ka sheego hooyo.

Hooyo "Haye, subax hore ayaad kacaysaa seexo."

aniga "Haye."

Tallaabooyinkeedii ayaa ka sii fogaaday qolka.

Waxaan go'aansaday inaan wada hadalka joojiyo.

Aniga; "Ilyaas, waan seexanayaa."

ilyaas: "caafimaad kuseexo, Hani."

Taleefanka waan dhigay.

Dhowr daqiiqadood kadib ayaan haddana qaaday.

Waxaan rabay inaan ogaado inuu weli khadka ku jiro.

Wuu joogay.
❤2🥰1
Waxaan arkayay inuu khadka ku jiro oo keliya, laakiin qalbigaygu wuxuu u fasiray sidii qof aniga ii sugaya.

Subaxdii xigtay waxaan sameeyay wax aanan waligay hore ugu samayn qof aan xataa aqoon fiican ulahaa.

Waxaan Qeybteeni Wada-hadalka (chat) ka Badalay Codka ogeysiisyada caadiga ah.

Waxaan u beddelay cod ii gaar ah.

Si aan fariintiisa uga garto kuwa kale.

Maalmo gudahood codkaas yar wuxuu yeeshay awood aanan xakameyn karin.

Haddii aan hooyaday la fadhiisto, waan maqli jiray.

Haddii aan wax akhrinayo, indhahaygu Waxay eegi jireen dhanka shaashada.

Haddii aan salaadda ka dib tasbiixsanayo oo uu taleefanku qolka kale ka yeedho,

maskaxdaydu waxay marka hore is weydiin jirtay: ma isagii baa?

Taasi waxay ahayd wax aan markaas romantik u arkayay.

Qof ayaa i xusuusanaya.

Qof ayaa sugaya jawaabtayda.

Qof ayaa faahfaahinta yaryar ee maalintayda danaynaya.

Laakiin xiisahaas wuxuu lahaa dhinac kale.

Waxaan bilaabay inaan maalinteyda Wanaageda ku cabbiro, sida uu ii la hadlay.

Haddii uu deggen yahay, aniguna waan degganaa.

Haddii fariimihiisu gaagaabnaadaan, waxaan raadin jiray qalad aan sameeyay.

Dhowr jeer waxaan dib u akhriyay wadahadalkeenna.

Nasteexo ayaa maalin fasalka guduhiisa igu tidhi, "Waxaad u muuqataa qof habeenkii aan si fiican u seexan."

"Waxaan akhrinaya," ayaan ku idhi.

Been dhameestiran Ma ahyn oo Buug ayaa sariirta dhinaceeda yaallay.

Waxaan kaliya aan ka qariye waa qaybtii kale ee runta.

Habeenkaas markii codkii ogeysiiska ahaa mar kale yeedhay,

waxaan taleefanka qabsaday anigoo dhoola-caddaynaya.

Waxa aanan ogayn waxay ahayd in qalbigaygu uu durba bilaabay inuu baranayo codkaas, uu u ordi doono.

→Lasoco Qaybta xigta
❤3🥰2👏2
QIso: Rabbigey Dartii

Qeybta 3《Labada Nolol》

Bil gudaheed, qof kasta oo guriga joogay wuxuu garanayay inaan taleefankayga aad u isticmaalo.

Laakiin cidina ma garanayn sababta.

Waxaan ku bilaabay xeelado aan u arkayay kuwo yaryar.

Taleefanka oo aan miiska kaga tegi jirin.

Fure sireed cusub.

Ogeysiisyada oo aan shaashadda kore kasoo muuqan.

Magaca Ilyaas oo aan mararka qaar u beddelo xaraf keliya marka aan guriga joogo.

Waxaan sameeyay waxaas oo dhan anigoon naftayda ku magacaabin "qof wax qarinaya".

Waxaan is odhan jiray: Waa arrin adi ku gaar ah.

Maalintii waxaan ahaa Hani ay reerku yaqaannaan.

hooyaday ayaan suuqa la tegi jiray,

walaashay Sahra casharrada ka caawin jiray,

aabbahayna mararka qaar ayaan shaah u diyaarin jiray isagoo wararka daawanaya.

Habeenkiina..... waxaan lahaa nolol kale.

Nolol uu Ilyaas ku ogaa waxa iga xanaajiyay, waxa aan maalintaas ku farxay,

macallinka aan necbahay, buugga aan bilaabay iyo xitaa mararka qaar waxa aan doonayay inaan sanado kadib noqdo.

Waxaa jirtay wax kale oo dadka uga duwanaa oo aan jeclaa.

Ilyaas wuu i dareemi jiray.

Markaan iraahdo "waxba ma jiraan," wuxuu odhan jiray, "maya, wax baa jira."

Markaan guriga joogo oo aan hadal yareeyo, qof walba wuxuu moodayay inaan daalanahay.

Isaguse wuxuu si fudud uga garan jiray haddii fariimahaygu gaagaaban yihiin.

Taasi waxay i siisay dareen aan halis u arkayn: qof baa i fahma.

Maalin Jimce ah, anagoo qadaynayna, Sahra ayaa si kedis ah u tidhi:

"Hani, maalmahan maxaad u dhoolla-caddaysaa markuu taleefankaagu gariiro?"

Qaaddadii ayaan ku hakiyay saxanka.

Hooyaday ayaa i eegay.

Hooyo: "Yaa fariimaha kuu soo qora?"

Waxaan isku mashquuliyay qosol aan qalbiga jirin.

Aniga: "Gabdhaha jaamacad. Imtixaanka ayay ka hadlayaan."

Sahra waxay tidhi, "Imtixaanka ayaa dhoolla-caddaytaas badan leh miyaa?"

Aniga: "Adiga cun cuntadaada."
Qof walba wuu qoslay.

Arrintii waa laga gudbay.

Laakiin anigu ma aanan ka gudbin.

Markii aan qolka galay, waxaan markii ugu horreysay qariyay magaca Ilyaas, si dusha shaashada uusan fariintisa kaga soo muuqan.

isla maalintii Waxaan isla hadalnay Ilyaas

Waxaan u sheegay wixii qadada ka dhacay.

Wuu qoslay.

Ilyaas: "ugu dambeyn Sahra ayaa ku qabatay?"

Aniga: "Ma aysan i qaban."

Ilyaas: "Wax yar baa u dhiman."

Waxaan Udiray astaan xanaaq ah.

Wuxuu iigu jawaabay:

"Ha welwelin. Ma doonayo inaan dhibaato kugu noqdo."

Ereyadaas ayaa i dejiyay.

Waxaan markaas u qaatay inuu i ilaalinayo.

Habeenkii ayaan wada hadalnay anigoo iftiinka qolka damiyay.

Wuxuu ii sheegay inuu maalin uun doonayo inuu si dhab ah ii arko,

aniguna waxaan usheegay inaanan jeclayn wax qarsoodi ah iyo meelaha lagu kulmo.

"Waan fahmay," ayuu yidhi. "Marnaba kuguma qasbi doono wax aanad rabin."

Waxaan u diray astaan jacayl.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan u diro calaamad aan ogaa inay hadalka ka weyn tahay.

Muddo ayuu waxba soo qori waayay.

Kadib wuxuu yidhi:

"Hani, ma ogtahay inaan maalmahan qof kale aan la hadlin?"

Waxaan akhriyay anigoo xishood dareemaya.

"Aniguna sidaas oo kale." ayaan u qoray

Markii aan diray, waxaan dareemay sida qof wax qirtay.

Daqiiqad kadib ayuu fariin kale soo diray:

Ilyaas: "Markaa bal ii ballanqaad in haddii wax ku dhibaan aad aniga marka hore ii sheegto."

Fartaydu waxay ku hakatay meesha wax lagu qoro.

Waxaan qoray:

"Waan kuu ballanqaadayaa."

Ballantaasi habeenkaas waxay iigu muuqatay mid macaan.

Qof baa doonaya inaan isaga aamino. Maxaa ka wanaagsan?

Waxaan se illoobay in kalsoonidu leedahay miisaan.

Markii hooyaday i weydiiso maalintayda, waxaan ku soo koobi jiray "waa fiicanayd."

Markii Ilyaas i weydiiyo isla su'aashaas, waxaan u sheegi jiray casharkii iga xanaajiyay,

gabadhii fasalka igu qoslisay, aabbahay eray uu igu yidhi, iyo fikir aan maalintaas maskaxda ku hayay.

Waxaan is odhan jiray isaga ayaa si fiican ii fahmaya.

Laakiin ma aanan isweydiin: sidee qofku kuu fahmi karaa haddii dadka kale aad iyaga ka joojiso fursaddii ay ku fahmi lahaayeen?

Sahra mar bay qolkayga soo gashay iyadoo rabta inay ii sheegto wax iskuulkeeda ka dhacay.
❤4
Waxaan qoraayay Fariimo.

Waxaan Sahra ku idhi "Hal daqiiqo isug"

Way fadhiisatay.

Daqiiqaddii waxay noqotay toban.

Markii aan taleefanka dhigay, waxay tiri, "Hadda Muhiim ma aha waxan ku sheegi rabay."

Waxay baxday ka hor intaanan joojin.

Waxaan dareemay ceeb iyo damiirka xumo, balse Ilyaas ayaa isla markiiba fariin kale soo diray.

Dareenkaas yarna waan iska aamusiyay.

Kuma baraarugsaneyn in markii ugu horreysay, qof aan reerkena ka tirsaneyn aan siiyay boos ka sareysa kuwii igu dhawaa dadka.

→Lasoco Qaybta xigta

Postiga like saar naguna soo biir walal

Haday jirto story noloshaada saameyn ku leh ilaso wadaag wan kaa warin si aan cashar uga barano
❤10👏3🥰1