Puntland Police Force
✔
2.1K subscribers
502 photos
20 videos
106 links
Official Telegram Channel of Puntland Police Force ~ We are the state body in charge of law enforcement. Website: www.police.pl.so
Download Telegram
🚨 DIGNIIN RASMI AH: BOOLISKA PUNTLAND

Boosaaso – 1 June 2026 – Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa shacabka ku wargelinaya khataraha safarka waddooyinka waaweyn xilligan oo uu bilowday roobka Gu’ga.

Waxaa si gaar ah looga digayaa meelaha ay ku yaallaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama biyaha roobku halis ku yihiin nafta darawallada, rakaabka iyo hantida.

Shacabka waxaa lagu boorinayaa:

• In darawalladu ka taxadaraan ka gudubka togagga iyo buundooyinka ay biyuhu ka buuxaan.

• In dadka degan meelaha ku dhow togagga iyo biyo-mareennada ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, isla markaana ilaaliyaan waayeelka, carruurta iyo xoolaha.

• In dhammaan shacabka ay raacaan tilmaamaha ciidamada booliska ee ku sugan waddooyinka.

Digniintan waa qayb ka mid ah dadaallada Booliska Puntland ee lagu xaqiijinayo badbaadada bulshada iyo ilaalinta hantida.

— DHAMMAAD —

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir: Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Ciidanka Booliska Puntland

☎️ Emergency: 999
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter: @Plpoliceforce
❤1
WAR-SAXAAFADEED

Garoowe June 09, 2026: Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ka raalli gelinayaa falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay caasimadda Garoowe June 07, 2026, kadib markii koox ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka ay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka, una carqaladeeyeen amniga iyo kala dambeynta.

Taliska Ciidanka Booliska wuxuu si cad u sheegayaa in dhacdadaasi aysan matalin nidaamka, anshaxa iyo waajibaadka Ciidanka Booliska, balse ay ahayd fal abaabulan oo ay ku lug lahaayeen gacmo dano gaar ah leh, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dhaawaca sumcadda ciidamada iyo suurad xumeynta Dawladda.

Waxaa maanta la xiray 18 askari oo ku eedeysan falkaas, iyadoo baaritaanno rasmi ah ay socdaan. Taliska Ciidanka Booliska wuxuu xaqiijinayaa in eedeysanayaasha la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu sidoo kale u rajeynayaa Ciidanka Birmadka soo kabasho iyo dib u soo celinta sumcaddii dhaawaca gaartay kadib falkii ka dhacay Garoowe.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay yihiin waajibaad dastuuri ah, isla markaana aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lid ku ah xasilloonida dalka.

— DHAMMAAD —

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland

☎️ Emergency: 999
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter: @Plpoliceforce
❤4👍2
WAR-SAXAAFADEED

Gaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta.

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay saraakiishii hoggaaminaysay kooxaha hubaysan, waxaana ka mid ah Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo. Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid, iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliyeed.

Hawlgalka waxaa lagu soo qabtay 101 eedeysane, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ah. Marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka loo haysto dambiyada culus, ehellada dadka dhaawaca ah waxay la wareegi karaan iyagoo raacaya habraacyada ay dejinayaan hay'adaha amniga iyo garsoorka.

Hawlgalka waxaa sidoo kale lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo ay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii Dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga.

Ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay'adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, waxaana laga fulin doonaa hawlgallo sharciyeysan oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.

- DHAMMAAD -
WAR-SAXAAFADEED

Boosaaso, Agoosto 06, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda.

Hawlgalkan wuxuu daba socdaa hawlgal amni oo qorshaysnaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.

Intii uu socday hawlgalkii Gaalkacyo, Ciidanka Difaaca Puntland waxay gacanta ku dhigeen 101 eedeysane, halka sidoo kale la qabtay 60 qof oo dhaawac ah. Waxaa intaa dheer in lala wareegay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo qalab kale oo ay ku jiraan agab ka mid ahaa deeqihii Dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay caddeynayaan in dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, xoojinta hay'adaha dawladda iyo dhaqangelinta sarreynta sharciga.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay ugu baaqayaan dhammaan kooxaha hubaysan iyo shaqsiyaadka weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isku soo dhiibaan Dawladda Puntland, kana faa'iidaystaan fursadda ay ugu soo laaban karaan nidaamka sharciga. Waxaa sidoo kale digniin adag loo dirayaa cid kasta oo gabaad, taageero ama kaalmo siisa kooxaha firxadka ah, maadaama lagula xisaabtami doono si waafaqsan sharciga.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay mar kale ku celinayaan in cid kasta oo diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay'adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, iyadoo la sii wadi doono hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta guud dalka.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay shacabka ugu baaqayaan inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay'adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha ama shaqsiyaadka ku lug leh falalka amni-darrada ah iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999. Dawladda Puntland waxay dammaanad qaadaysaa ilaalinta sirta iyo badbaadada cid kasta oo bixisa xog lagu sugayo amniga.

- DHAMMAAD -
❤1
WAR-SAXAAFADEED

Gaalkacyo, Agoosto 10, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda.

Intii uu socday hawlgalku, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska.

Soo afjaridda wejigan koowaad waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta awoodda hay’adaha amniga, mideynta taliska iyo xaqiijinta in awoodda hubaysan ay ku hoos shaqeyso hay’adaha dowliga ah ee sharciga ah.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu adkeynayaa in hawlgallada amni loo fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta hantida iyo xasilloonida guud.

Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka Gobolka Mudug wada-shaqeyntooda iyo taageerada ay u fidiyeen hay’adaha amniga, waxayna ku boorrinaysaa inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.

— DHAMMAAD —
❤1👍1
Saaxo, Agoosto 13, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaangelinta iyo qarameynta ciidamo aan hore ugu jirin nidaamka rasmiga ah ee dawladda, kuwaas oo ku sugnaa Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug.

Hawshan waxaa loo fulinayaa si waafaqsan shuruucda iyo habraacyada dawladda ee diiwaangelinta iyo habaynta ciidamada. Ciidamada la diiwaangelinayo waxaa lagu darayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee Ciidanka Difaaca, iyadoo la marinayo hubin, tababar iyo dib-u-habayn ciidan.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu ugu baaqayaa dhammaan kooxaha hubaysan ee aan weli ku jirin nidaamka rasmiga ah inay u hoggaansamaan shuruucda dalka iyo awaamiirta hay’adaha amniga, isla markaana ay ka faa’iidaystaan hannaanka sharci ee dawladda u dejisay.

Cid kasta oo si sharci-darro ah u diida awaamiirta hay’adaha amniga, taageero, gabaad ama kaalmo siisa kooxo hubaysan waxaa laga qaadi doonaa tallaabada sharciga waafaqsan.

Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu u mahadcelinayaa shacabka degmada Saaxo sida ay mar walba garab iyo taageero ula garab istaagaan ciidanka, kana qayb qaataan sugidda amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.

— DHAMMAAD —

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland

☎️ Emergency: 999
📞 WhatsApp: 905 811 111
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
𝕏 : @Plpoliceforce

📘 Facebook: www.facebook.com/Plpoliceforce
📸 Instagram: www.instagram.com/Plpoliceforce
📲 Telegram: https://t.me/plpoliceforce
❤1👍1