KULANKA BOOLISKA IYO BULSHADA – CAASIMADDA GAROWE
Waxaa Jaamacadda Puntland State University (PSU) ka dhici doona kulanka dhexmaraya Booliska Puntland iyo bulshada, kaas oo loogu talagalay:
Gorfaynta hiigsiga casriga ah ee sugidda amniga
Xoojinta xiriirka ka dhexeeya Booliska iyo bulshada
Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka Booliska Puntland ee ku aaddan kor u qaadista amniga, hufnaanta shaqada, iyo adeegga bulshada.
Goorta: Caawa – 20 November 2025, Bacdal Maqrib
Goobta: Jaamacadda PSU, Garowe
Booliska Puntland
U Adeegidda Bulshada iyo Sugidda Amniga

❤6👍2👎1
XIL-WAREEJIN RASMI AH OO KA DHACDAY TALISKA QEYBTA BOOLISKA GOBOLKA NUGAAL
Garoowe, 23 Abriil 2026: Waxaa maanta si rasmi ah xilka Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal la wareegay G/sare Fu’ad Maxamuud Xuseen, iyo ku-xigeenkiisa G/sare Ayax Jamaal Axmed.
Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegay G/sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf), oo loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland. Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka cusub ayaa xilka kala wareegay G/sare Maxamuud Muuse Bille (Fardafuul), oo loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, taas oo uu xilka u ka kala wareejiyay Taliyaha Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska Puntland, G/sare Cabdirisaaq Ismaaciil Xassan (Darwiish).
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil Boolis, masuuliyiin dowladeed iyo marti sharaf kale, kuwaas oo goob-joog ka ahaa habsami u socodka xil-wareejinta.
Taliyaha cusub G/sare Fu'ad Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda amniga gobolka, isagoo yiri:
“Gorgortan ka geli maayo amniga Gobolka Nugaal.”
Wuxuuna ballan qaaday xoojinta amniga, wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka.
Dhankiisa, Taliyihii hore, G/sare Maxamed Cali Axmed, ayaa uga mahadceliyay ciidamada iyo shacabka wada-shaqeyntii ay la lahaayeen, wuxuuna ku boorriyay laamaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan Hoggaanka cusub si loo xoojiyo amniga iyo kala dambeynta.
Ugu dambeyn, Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale xaqiijinaya ka go’naanshahooda ilaalinta amniga, sharciga iyo xasilloonida guud ee Gobolka Nugaal.
– DHAMMAAD –
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Puntland
📞 WhatsApp: +252 905 811111
☎️ Emergency: 999
📧 Email: media@police.pl.so
🌐 Website: www.police.pl.so
🐦 Twitter ( x) @Plpoliceforce

❤4👍2👎1
Hadal-jeedinta Taliyaha cusub Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Fuad Mohamud Hussein
Carmo. Abriil 29, 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Birmadka Booliska Puntland.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qayb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Mumin Cabdi Shire, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Puntland Maxamed Baarri Shire, iyo masuuliyiin kale oo ka socday goleyaasha dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada Carmo.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka dhammeystay tababarka dadaalkooda, isagoo ku adkeeyey inay ka shaqeeyaan sugidda amniga iyo xasilloonida Puntland.

❤1