Sharif Sheikh Ahmed
โœ”
11.2K subscribers
100 photos
7 videos
25 links
Telegram-ka rasmiga ah ee Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

The Oficial Telegram of 7th President of the Federal Republic of Somalia H.E Sharif Sheikh Ahmed.
Download Telegram
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii hore ee Koonfur-galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wiilkiisa Maxamuud Shariif Xasan ku geeriyooday dalka Masar.

Waxaan tiiraanyadda la qeybsanayaa dhammaan qoyska & qaraabadda, waxaana Alle u weydiinayaa Jannatul Firdowso, illaaheyna samir iyo imaan ha inaga wada-siiyo.
๐Ÿ˜ญ83โค14๐Ÿ‘7
Waxaa bogaadin muddan naf-hurnimada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xoogaga difaaca shacabka ee gobolka Hiiraan oo si adag ula dagaalamaya argagixisada duullaanka ah ee caadeysatay daadiinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed.
โค77๐Ÿ‘13โœ4๐Ÿ”ฅ4๐Ÿ‘4๐Ÿ’ฉ3
Waxaan xannuunka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii kuwaayay dabka ka kacay suuqa labaad ee ugu wayn caasimadda Muqdisho ee suuq Bacaad.

Waxaan ALLE u waydiinayaa ganacsatada xoolahooda kuwaayay dabka bedel khayr leh waxaana dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in garab-istaag buuxa loo muujiyo ganacsatada Soomaaliyeed ee musiibadaani ay saamaysay.

Waxaan sidoo kale ganacsatada kale ee dalka iyo caasimaddaba ku boorrinayaa in markaan oo kale looga baahanyahay in la isku gurmado, anigoo garwaaqsan in dabka burburiyay suuq bacaad uu ka mid yahay musiibooyinka nooga baahan maareynta.
โค106๐Ÿ˜ข40๐Ÿ‘18๐Ÿ”ฅ8๐Ÿ’ฉ4๐Ÿฅฐ1
โค24๐Ÿ‘3๐Ÿ˜3๐Ÿ‘2
Waxaan boggaadinayaa Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee ka hortagay weerarka kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku soo qaaday Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Geesiyaasha xoogga Dalka iyo kuwa difaaca shacabka waxay guteen waajibkooda, waxayna mudan-yihiin garab-istaag dhab ah iyo in mar walba laga war hayo daryeelkooda, maadama ay naftooda u hurayaan difaaca dalka iyo dadka.

Waxaan u tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday weerarka saakay, anigoo sidoo kale kuwa dhaawacmay u rajaynaya soo kabasho deg deg ah.

Ugu dambayn, waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inay garab iyo gaashaan u noqdaan ciidanka Qaranka iyo xoogaga difaaca shacabka, waxaana madaxda dowladda u soo jeedinayaa in ahmiyadda koowaad laga dhigto la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed.
๐Ÿ‘74โค31๐Ÿคฎ7
Waxaan uga digayaa madaxda sare ee dowladda Federaalka ah inaysan iska indha-tirrin dareenka bulshada ee cirka isku sii shareeraya anigoo dareenkayga si gaar ah ula wadaagaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda.
๐Ÿ‘65โค35๐Ÿคฃ14๐Ÿ˜7๐Ÿ‘Ž4๐Ÿ‘3
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo iyo jirdilka loo gaystay maanta muwaadiiniinta Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo shaatiga dowladda gaar ahaan falalka foosha xun ee ka dhacay Suuqa Siinay, kaas oo aan marnaba la aqbali-karin, kana fog bini'aadanimada iyo karaamada muwaadinka.

Beegsiga sida gaarka ah loola eegtay waayeelka ka hadlay xuquuqdiisa, gaar ahaan tacadiyadda ka dhashay barakicinta danyarta waa fal dambiyeed, waxaana ciidanka ammaanka uga digaynaa qaadashada amarro qaldan oo shacabka looga horkeenayo.

Masuuliyadda xadgudubyadda ka dhanka ah bulshada caasimadda waxaa si toos ah u qaadanaya madaxda sarre ee laanta fulinta dowladda Federaalka ah oo iyagu ka baxay xayndaabka sharciga ah ee illaalinta badqabka bulshada iyo illaalinta haybadda dowladnimadda
๐Ÿ‘100๐Ÿ˜ญ63โค29๐Ÿ˜15๐Ÿคฌ6๐Ÿค”5๐Ÿ™ˆ5๐Ÿ‘€4๐Ÿ”ฅ3๐Ÿคจ2๐Ÿ‘Ž1
โค49๐Ÿ‘Ž9๐Ÿ‘8๐Ÿ˜Ž3๐Ÿ˜2
Waxaan halkaan uga hambalyeynayaa garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku guulaystay Garsooraha sanadka 2025 ee qaaradda Afrika qaasatan garsooraha ugu fiican ciyaaraha kubadda cagta ee ragga.

Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan wuxuu guushaan ku muteystay adkeysi, karti iyo xirfad waxayna taasi sharaf u tahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda ciyaaraha ee dalkeenna.
๐Ÿ‘69โค46๐Ÿ‘11๐Ÿ˜2๐Ÿฅฐ1๐ŸŽ‰1
Waxaan hambalyo iyo boggaadin ku aadan munaasabadda 21-ka November ee maalinta Macalinka Soomaaliyeed u dirayaa dhammaan Macalimiinta soomaaliyeed.

Barayaasha Soomaaliyeed waxay dadka iyo dalka ku leeyihiin abaal-weyn iyagoo ku soo shaqeeyey daruufo adag, walina ay ku sii shaqeynayaan.

Ugu dambayn, waxaan ku boorrinayaa dhammaan barayaasha Soomaaliyeed inay sii wadaan dadaalkooda, si bulshada loo gaarsiiyo mar walba tacliinta ay u baahanyihiin islamarkaana looga hortago jahliga.

Macallin waad mahadsantahay.
โค60๐Ÿ‘8๐Ÿ˜5๐Ÿ‘4๐Ÿ”ฅ3
โค45๐Ÿฅฐ2
Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan munaasabadda sanadguuradooda 82แตƒแตƒแตˆ ee ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan 20-kii Diseembar, sanadkii 1943-dii.

Booliska Soomaaliyeed waa aasaaskii iyo hooyada guud ahaan qaybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, oo iyagu mar walba u taagan illaalinta gobbanimada, midnimada iyo jirritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda sanad-guurada 82แตƒแตƒแตˆ ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay markaan ku soo beegantay iyadoo uu dalkeenu ku jiro marxalad siyaasadeed iyo kala guur, waxaana ku boorrinayaa hoggaanka sare iyo saraakiisha booliska inay ka fogaadaan in loo adeegsado danno siyaasadeed oo ka baxsan waajibaadkooda qaran ee loo igmaday.

Hambalyo mar kale Booliska Soomaaliyeed.
โค67๐Ÿ‘17โคโ€๐Ÿ”ฅ5๐Ÿ‘1
โค54๐Ÿ‘Ž8๐ŸŽ‰3
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, qoyka, eheladda iyo dhammaan bahda caafimaadka geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Cumar Aadan Cadde.

Marxuumka wuxuu ka mid ahaa hormuudka bahda caafimaadka ee dalka, wuxuuna kaalin mug leh ka soo qaatay horrumarinta adeegyadda caafimaadka bulshada.

Waxaan Alle uga baryeynaa Jannatul Firdowsa, qoyska, qaraabadda & guud ahaan bulshada Soomaaliyeedna Rabbi samir iyo imaan haka siiyo.
๐Ÿ˜ญ56โค24๐Ÿคฃ4๐Ÿฅฐ3๐Ÿ”ฅ2
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Waxaan aaminsanahay in warbaahinta xorta ah ay dowlad-dhiska Soomaaliya kaalin muhiim ah ku leedahay.
๐Ÿ‘56โค35๐Ÿ‘16๐Ÿ˜7๐Ÿคฃ5๐Ÿ‘Ž4๐Ÿ–•1
Waxaan guud ahaan ummadda islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa curashada sannadka cusub ee Hijriga ee 1448.

Waxaan u rajeynayaa shacabkeenna Soomaaliyeed iyo ummadda islaamka barwaaqo & nabad.
โค76๐Ÿ‘17โœ5๐Ÿ‘4๐Ÿ–•1๐Ÿ™‰1
Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa & qaraabada uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Cali Cabdille Fiixiye (Cali Shucaac).

Alle ha u naxariistee Marxuumku, wuxuu taariikh mug leh ku dhex-lahaa bulshada Soomaaliyeed isagoo inta badan wakhtigiisa ku bixiyay halgan ku dhisan waddaniyad iyo dal jacayl.

Waxaan mar kale dareenka geeridiisa murugada leh la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan carruurtiisa, qoyskiisa iyo ehelka, waxaana Allah u waydiineynaa Marxuumka janatul fardowsa, innagana samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo.
๐Ÿ˜ญ22โค14๐Ÿ˜ข7๐Ÿ˜4
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
โค77๐Ÿ‘14๐Ÿ‘6๐Ÿ‘Ž4๐Ÿ˜4